Talyihii Ciidanka Liyuu Booliska oo xilkii laga qaaday

Waxaa shaqadii laga fariisiyay Talyihii Ciidamada Liyuu Booliska ee Deegaanka Somalida Itoobiya Jeneral Xaaji Tuur oo kasoo jeeda Beesha reer Isaaq.

Sababta looga qaaday Jeneral Xaaji Tuur Ciidanka Liyuu Booliska waxay tahay in uu Hubkii cuslaa ee Ciidanka ka qaaday Aaga Xuduuda,waxuuna ku dooday dayactir,ayaa Harar loogu qaaday.

Waxaa loo dhiibay si Kmg ah hogaamintii Ciidanka Jeneral Sakariye oo ahaa Kornaylkii watey Ciidankii Gurmadka ahaa 2013 markey argagixisadu Aagaas soo weerartay.

Sidoo kale,waxuu ka mid ahaa Ragii kasoo xarooday Al-itixaad UWSLF heshiiskii Godey,haatana waa hogaan xigeenka Ciidanka.

Sakariye,waxuu kasoo jeeda Beesha reer Cabdille ee Ciidanka Liyuu Booliska ubadan.

Talyaha cusub durba isbadal fiican,ayuu ka muujiyay hawlgalka.

Jibril Qoobey.