Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Ciidamada Liyuu iyo Alshabaab

Argagixisadii ka dagaalamaysay gudaha Deegaanka Somalida Itoobiya,waxaa laga dhigay wax dhintay wax laqabtay iyo wax firxaday oo lagu raad joogo.

Majirto Maleeshiya hada meel rasmi ah ka dagaalamaysa oo Aag uxiran yahay.

Dagaal kale oo cusub,ayaa ka bilowday Aaga Ceelberde.

Gurmad Alshabaab ah iyo Qeyb raacdo reeb u aheyd Alshabaab,ayaa fooda waxaa daray Ciidankii Itoobiya ee Atmis ka mid ahaa oo ay la socdaan Militari Somaliya.

Sidoo kale,waxaa ku biiray Ciidamo Liyuu Boolis ah.

Si weyn,ayuu dagaalkaas usocdaa layskuguna jabay.

Sawirkan waa mid ka mid ah argagixisada la qabtay.

Jibril Qoobey.