Heshiiskii Dhoofinta Qamadiga Ee Turkigu kasoo shaqeeyay oo fashilmay

Diblomaasiyiin heshiiska wax ka og ayaa sheegay in Ruushka uu oggolaaday in aanu weerarri doonin maraakiibta raashinka ka qaada dekadaha Ukraine, halka Ukraine ay ballan qaaday inay maraakiibta xamuulka ka weecin doonto goobaha miinaysan.

Turkiga ayaa ku dhawaaqay heshiis u ogolaanaya Ukraine in ay dib u soo celiso dhoofinta Qamadiga iyo galleyda ee badda madow.

Jimcihii ayaa Istanbul waxaa ku saxiixay heshiiskaas Ukraine, Ruushka, Turkiga iyo Qaramada Midoobay.

Dhawr qarax ayaa ka dhacay dekadda magaalada galbeedka dalkaas ku taalla ee Odessa subaxnimadii hore ee saaka ilaa haatan se ma cadda waxa dhaliyey qaraxyadaas.

Sida uu dhigayo heshiikii shalay Jimcihii la gaadhay, waxa Ruushku aqbalay in aanu beegsan dekadaha inta laga rarayo raashinka.

Qaramada Midoobay ayaa ku tilmaantay heshiiskii shalay la gaadhay rajo soo iftiintay mudo bilo ah oo colaad socotay ka dib.

Ciidanka cirka ee Ukraine,ayaa soo riday dhawr Gantaal oo kale sidoo kalena ay diyaaradahooda dagaalku hawada sare ee magaalada waxay kula dagaalamayaan kuwa Ruushka.

Jimcihii ayaa saraakiil ka socota Ukraine iyo Ruushku waxay saxiixeen heshiis ogolaanaya in malaayiin tan oo Cunto ah oo ku xayiran Drkadaha Ukraine la dhoofiyo.