Video:-Kalfadhiga 50-aad waxaa hor timid W. Shaqada, Shaqaalaha Dhallinyaradda & Ciyaaraha PL

Garoowe, Luulyo 23, 2022: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, ayaa Shir-Guddoomiyey fadhiga 27-aad, Kalfadhiga 50-aad ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

Fadhiga maanta ayaa waxaa hor-yimi Wasiirka Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha Dhallinyaradda & Ciyaaraha Dawladda Puntland Cabdiraxmaan Caydiid Ibraahim oo ay weheliyaan Wasiir ku-xigeenka Wasaradda, Agaasimaha Guud, Saraakiil ka tirsan Wasaaradda.

Wasiirka Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha Dhallinyaradda & Ciyaaraha Dawladda Puntland ka warbixiyey shaqada ay u xil saaran yihiin ee Dastuuriga ah, qorsheyaasha iyo caqabadaha jira.

Intaa kadib, Xildhibaannada ayaa Wasiirka wax ka weydiiyey arrimaha Shaqada, Shaqaalaha Dhallinyaradda & Ciyaaraha sida uu qabo Dastuurka Dawladda Puntland Qodobkiisa 64-aad Farqadiisa 17aad, Xeer-hoosaadka Golaha, Xeerka Shaqada iyo Shaqaalaha Puntland iyo Lifaaqa oo soo baxay 2005 , Xeerka Khidmada Shaqaalaha Ajaaniibta ah oo soo baxay 2015, Xeerka Shaqaalaha Rayidka ah ee Dawladda Puntland oo soo baxay 2018, Xeerka Guddiga Shaqaalaha Rayidka ah ee Dawladda Puntland oo soo baxay 2019 iyo Xeerka Hawl-gabka iyo Liili-tirka Shaqaalaha Rayidka ah ee Dawladda Puntland ( 2019).

Halkan ka daawo muuqaalka