Cabdinaasir Maxamuud Miroow yaan dhiiqo Lugaha laguu gelin?

Cabdinaasir Maxamuud Mire,waxaa kuu qurux badan sidii aad uga dhexbaxday mowjada ceebaysan in aad ku adkaysato.

Kuwa hada kugu cadaadinaya in aad ka laabato go’aankaagii loo wada riyaaqay waa kuwii aad ka shaqayn wayday.

Ogow saakay hadaad aqbasho soo laabasho qiimihii shalay ma lihid oo waa macnabeelay magacii lagugu xurmaynayay.

Waxaad la mid tahay Agaasime Waaxeed marna la magacaabo marna la cayrsho.

Hadaad rabto in aad u adeegto Bulshada door ka qaado adeega Waxbarashada,Caafimaadka iyo Biyaha.

Dib ha ugu soo laaban Golaha Isimada aan loo baahnayn ee xoogsatada ah.

Xasuusnoow Reer Mudug baahi Isin ma qabaan.

Guud ahaan reer Puntland,ayaa kuugu riyaaqay go’aankaagii qiimaha badnaa ee aad qaadatay markii aad ogaatay in aysan macno lahayn Magacyada Isimada Bugaanbugta ah ee la sheegto.

Jibril Qoobey.