Ma waxaa soo dhawaaday dhimashadii siyaasadeed Ee Deni??

Madaxweyne Deni,waxaad moodaa in uu siyaasada kusoo khaldamay markaad ufiirsato dabeecadihiisa.

Khilaafkii PSF waa taagan yahay.
Khilaafkii Isimada waa taagan yahay.
Khilaafkii Aaran waa taagan yahay.
Khilaafkii Dimuqraadiyada waa taagan yahay.
Khilaafkii Doorashadii fadaraalka waa taagan yahay.

Waxaa khilaaf cusub noqday Xildhibaanadii Fadaraalka ee ku dooran waayay oo aad ufaruuryo qaniinyanayso.

M.xigeenkaagii samir taag waayay,ayuu kugula joogaa.

Golaha Wasiirada mid kula kulmi karaa majiro Shirka Khamiislaha ahna 4-ta saac Laba ka mid ah adaa hadla oo iyaga uhanjaba.

Xubno,ayaad usoo xushay Maxkamada sare,waa lagugu diiday meeshaad samayn lahayd xod-xodasho Golaha oo idil ah,waxaad bilowday in aad qayb uyeerato balanqaadyo usamayso intii kalana tiraahdo dushaan ka marayaa.

Kaaga sii darane Xubnihii la diiday,ayaad ufurtay Xaafiisyadii Xarumaha Garsoorka.

Gudoomiyihii shalay aad qayb ka qaatay soo saaristiisa,ayaad caawa la heshiin la’a dahay.

Xildhibaanadii kuugu dhawaa sida Dhaashane oo aad taqaan waxa ay kaa rabaan,ayaad fahmi la’a dahay.

Madaxweyne waxay umuuqataa in aadan fahansanayn shaqada aad hayso oo aad is dukhaynayso.

Hadaad taagan tahay Qof aan ka adkaado maahee Qof kale Puntland kuma noolaan karo oo dabac,tanaasul iyo gorgortanku agtayda waa ka diciifnimo see Umaddan ku wadaysaa??

Waxaa soo dhawaaday markan dhimashadaadii siyaasadeed sida muuqata!!

Jibril Qoobey.