Shacabka Puntland waa dadaalaye doorkii Dowladoodaa maqan!!

Meesha ay kasoo bilaabeen nolosha iyo halka ay gaarsiiyeen waxay muujinaysaa in ay wax dheer yihiin Somalida kale.

Dhul loo yaqaanay gaari waa oo habayaraatee uusan ka jirin adeeg nololeed,ayay ka abuureen Nolol aad usaraysa.

Waxa aan ka hadlayo waa Shacabka Puntland ee kartida badan.

Maanta waxay ka hirgeliyeen Dhulkii Eberka ahaa 20-sano ka hor,iyagoon helin nidaam taageera ama hogaamiye ku hogaansha horumarka wax badan oo loo istaago….

1.Deked ayay ka hirgeliyeen,iyagu leeyihiin.

2.Diyaarad ayay ka hirgeliyeen iyagu leeyihiin.

3.Hotelo ayay ka hirgeliyeen,iyagu leeyihiin.

4.Caafimaad,Waxbarasho,Biyo,Koronto iyo Wadooyin,ayay hirgiliyeen.

Dhulkii la oran jiray gaari waa,waxuu isu badalay barwaaqo sooranka Somaliya ee loo shaqo tago.

Hargaysa iyo Xamar,waxay nasiib uheleen in Dowladihii dalka soo xukumay usameeyaan kaabayaal horumarineed sida…

“Garoomo,Dekedo,Wadooyin,Isbitaalo,Biyo,Koronto iyo Xarumihii Dowlada”.

Shacabka Puntland waa dadaalay balse doorkii Dowladooda,ayaa meesha ka maqan oo aan wax badan kusoo kordhin adeega nololeed.

Dowlada Puntland waxaa laga rabaa Dadkan haday wax walba qabsadeen kaliya udhamaystira adeegii Dowladnimo ee Aas-aasiga ahaa.

Jibril Qoobey.