Kenya:-Shil Gaari oo sababay Geeri fara badan

Ugu yaraan 30-Qof,ayaa geeriyootay kadib marki bas ay saarnaayeen uu ku dhacay Webi ku yaalla bartamaha dalka Kenya, sida ay maanta sheegeen saraakiil deegaanka ku sugan.

Shilkan ayaa dhacay Axaddii xilli uu baska kasoo safray magaalada Meru uu ku socday magaalo xeebeedka Mombasa.

Baska ayaa kasoo dhacay buundo dhulka ka sarreysa 40 meter, wuxuuna ku dhacay webiga Nithi ee ka hooseeya.

Sawirro ay daabaceen warbaahinta gudaha ayaa muujiyey baska oo kala dhantaalmay, ayada oo warbixinada ay sheegayaan in burburka baska iyo meydka ay daadsanaayeen biyaha iyo jiinka webiga.

Labaatan qof ayaa isla goobta ku geeriyooday Axaddii, halka afar kale ay ku dhinteen Isbitaalka, ayada oo meydadka lix kale lasoo helay maanta oo Isniinta ah, sida uu sheegay guddoomiyaha koontiga uu shilka ka dhacay Norbert Komora

“Weli waxaa socda baaritaan, waxaana isku dayaynaa inaan soo helno burburka,” ayuu yiri.

“Waxaa weli socda baaritaan ku saabsan waxa sababay shilka ka dhacay barta madow.”

Tirada dadka ku dhinta waddooyinka Kenya ayaa kordhay sanadihii dhowaa.

Qeybtii hore ee sanadkan 2022, 1,912 qof ayaa geeriyooday, taasi oo ah sare kac boqolkiiba sagaal ah marka loo eego tirada isla xilligaas ee sanadkii tegay oo aheyd 1,754, sida uu sheegay Maamulka Gaadiidka iyo Badbaadada Qaranka.

AFP