Mudada lagu soo magacaabayo Golaha Wasiirada Fadaraalka oo la kordhiyay

Guddoomiye kuxigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka BJFS 𝐌𝐚𝐫𝐰𝐨 𝐒𝐚𝐝𝐢𝐚 𝐘𝐚𝐬𝐢𝐧 𝐒𝐚𝐦𝐚𝐭𝐚𝐫 oo uu weheliyo ku-xigeenka 2aad,ayaa shir guddoomisay Kalfadhiga 1aad kulankiisa 10aad ee maanta.

Ajandaha kulanka ayaa ahaa Codsi ka yimid Dowlada.

Xildhibaannada Golaha Shacabka,ayaa meelmariyay codsi Golaha loosoo gudbiyay oo ahaa in muddo 10-cisho dheeraad ah lagu daro soo magacaabidda Golaha Wasiirada.

144-Xildhibaan,ayaa ogolaatay, waxaa diiday hal Xildhibaan,wax ka aamusay ma jiraan. Sidaas ayuuna ku ansaxay Codsiga.