Xisaab xirka Miisaaniyada Puntland oo Baarlamaanka loosoo gudbiyay

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, ayaa Shir-Guddoomiyey fadhiga 29-aad, Kalfadhiga 50-aad ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

Fadhiga maanta Ajandaha ayaa ahaa qeybinta Xisaab-xirka Miisaaniyadda Dawladda ee sannadka 2021, sida uu qabo Dastuurka Dawladda Puntland Qodobadiisa 64-aad iyo 137-aad.

Intaa kadib, waxaa Xisaab-xirka Miisaaniyadda sannadka 2021 lagu wareejiyey Guddiga Dhaqaalaha iyo Xisaabaadka Golaha Wakiillada DPL waxay dib Golaha ugu soo celin doonaa 30 Luulyo, 2022.

DHAMMAAD

Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta
Golaha Wakiillada Dawladda Puntland