Faallo:-Hawlaha iyo caqabadaha horyaala Somaliya”WQ.B.Dio.Mio

Somalia iyo Howha toogan:

Dowladda Dhexe, Madaxda la doortay, Madaxweyne, Gudoonka labada aqal, Baarlamanka iyo Raysal Wasaaraha: waxaa horyaal:

  1. Dal Amnigiisu sugneyn, mid ahayn, Alshabaab gacanta ugu jiraan degaamo fara badan
  2. Dal aan dhaqaalihiisu mideysneyn: canshuuraha iyo miisaaniyad mideysan aan lahayn, Bankiga Dhexe jaangoyn dhaqaalaha sida lacag soomaliyeed oo ku saleysan
    dhaqaalaha guud iyo wax soo saarka dalka
  3. Siyaasdiisu weli ku saleysan tahay qabiil oo aan aragti iyo aqoon (meritocracy) aan xulashada iyo metelaadda loo marin

Dhinaca kale – Dowlad Goboleedyadu ma caga badan:

  1. Dowlad Goboleedyadu ma lahan miisaaniyad dhaqaale oo ku filan
  2. Dhamantood waxay qabaan barnaamujyo siyaasadeed ama amni oo wada qabyo ah sida:

Puntland – dhibka Boosaaso oo soo noq noday iyo barnaamujkii dimoqraadiyadda oo habacsanaan gashay

Jubbaland – heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay – Kismayo vs Garbahaarey iyo Jubbada Dhexe oo laga xoreeyo Alshabab

Hirshabelle – heshiis u dhexeeya Jowhar iyo Beletweyne iyo Degaamada shabaab haystaan oo la xoreeyo

Koofur Galbeed – heshiis siyaadeed oo qeexaya awoodaha iyo doorashooyinka iyo degaamada Shabaab haysto oo laga xoreeyo

Galmudug – heshiis waara oo laga gaaro arrimaha Ahlu Sunna iyo degaamada Shabaabku haystaan oo laga xoreeyo

Muqdisho – Maqaamka caasumadda oo la qeexo. Cabashada reer Muqdisho ee metelaadda oo xal loo helo. Alshabaab oo laga dul qaado shacabka Muqdisho baadda ay ka qaadaan.

Cid walba in gubta ayaa hoos taal. Midnimo iyo wadatashi ayaa looga gudbi karaa!

Guul Soomaliya,

BDM