MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY LA-TALIYE MADAXWEYNE KU-XIGEENKA DOWLADDA PUNTLAND.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta oo taariikhdu tahay 26-da July 2022, soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 40, kuna saabsan magacaabid La-taliye Madaxweyne Kuxigaanka Dowladda Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland.

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad.

Markuu arkay: Aqoontiisa iyo waayo-aragnimdiisa shaqo.

Markuu la-tashaday: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland.

Wuxuu xeeriyey:

  1. Waxaa Cabdirisaaq Mire Xasan (Gawiido) loo magacaabay la-taliyaha Madaxweyne Ku-xigaanka ee Arrimaha Siyaasadda.
  2. Xeerkani wuxuu dhaqan geleyaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

DHAMMAAD.

XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.