Maxamed Bin Salmaan oo booqasho ku maraya Wadamada Yurub

Dhaxal Sugaha Sucuudiga Maxamed Bin Salmaan,ayaa maanta booqashadiisii ugu horreeyay tan iyo dilkii weriye Jamaal Khaashuqji ku tegaya dalalka Yurub.

Wuxuu booqashadiisa ka bilaabayaa dalalka Faransiiska iyo Giriigga, waxay booqashada Maxamed Bin Salmaan imaaneysaa xilli shidaalka iyo arrimaha tamarta ay si weyn u daneynayso Yurub.

Dhaxal Sugaha ayaa maanta tagaya Giriigga iyadoo lagu wado in madaxda dalkaas uu kala hadlo iskaashiga dhanka militeri iyo tamarta.