Itoobiya ma’ahan tii Meles,Somaliyana ma’ahan tii Soodaree!!

Abiy ma’ahan Meles,Itoobiyana ma’ahan tii jirtay waayihii TPLF.

Somaliyana ma’ahan midii joogtay Soodaree.

Itoobiya mar horaba wax walba oo ay ku diciifin karto Dowladnimada Somaliya way ku kacday oo xaalka Somaliya waa Nin Qoyan Biyo iskama dhawro.

Abiy,waxaa laga rabaa in uu aqbalo itoobiya diciif ah oo Somaliya Qable la macmiilaysa in uu hogaankeeda hayo,isagaa laga rabaa in uu gacan dabacsan ufudiyo Xasan Shiikh oo umuujiyo in uusan khatar ku ahayn.

Mid kale oo Abiy in uu aqbalo ay tahay waa in Xasan Shiikh ahayn Farmaajihii uu ka helay wax walba uu rabey oo gaaray in uu dhiibo Muwaadin,isla markaana Urur gobanimo udirir U aqoonsado argagixiso.

Madaxweyne Xasan,waxaa laga gudboon in uu ka shaqeeyo gudaha oo fursadaas jirta ee Farmaajo dayacay uga faa’ideeyo Dalka.

Qof Somaliya oo ciil uu baday in uu Abiy hoosgalo waa in aan la arag,hadii la rabo in Siyaasadeena dibadu Qab yeelato.

Xasan waa in uu udhaqmaa Waayeelnimo kana muuqataa in uu og yahay Siyaasiga ugu Da’da weyn uguna mudada dheer kuwa masraxa saaran ee Somaliyed in uu yahay.

Jibril Qoobey.