Gudoomiyaha cusub Ee Gobolka Mudug oo xilkii la wareegay

Gudoomiyah Cusub ee Gobolka Mudug Faysal Shkikh Cali,ayaa xilka kala wareegay Kusimhii Gudoomiyaha Gobolka Ahna Gudoomiye Ku Xigeenka 1aad ee Gobolka Mudug Xasan Cabdulaahi Warsame.

Munaasibadaan ayaa waxaa ka soo qayb galay Gudoomiye ku xigeenka 2aad ee Gobolka Mudug, Xubno ka tirsan Golaha Wasiirada Maamulada Puntland iyo Galmudug, Xildhibaan Cali Xaajo Daahir, Gudoomiyaha Waxbarashada Gobolka Mudug, Saraakiisha Ciidamada,Gudoomiyayaasha Maxkamadaha, Nabadoono, Waxgarad, Ururada Dhalinyarada, Haweenka iyo Qaybaha kala duwan ee Bulshada.

Gudoomiye Gobolka Mudug Mudane Faysal Sheikh Cali ayaa Uga mahadceliyey bulshada ka soo qayb gashay munaasibada, Masuuliyiinta iyo Waxgaradka, isagoona balanqaaday in la xoojin doono la dagaalanka Argagixisada iyo Nabadiidka, gacan bir ahna ku qabanayaan cid kasta oo Iskudayda khal-khal galinta Amniga, dibna loo bilaabi doono maxkamadaynta Argagixisadii hadhay.

XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA WARBAAHINTA MAAMULKA GONOLKA MUDUG