Qormada Yuusuf Garaad waa fariin ka timid Nabad iyo Nolol

Yuusuf Garaad waa Nabad iyo Nolol aan Biyo ismarin.

Qormadiisu waa fariin ka timid Itoobiya oo la rabo in lagu bajiyo Madaxweyne Xasan.

“Dilkii Wasiir Siraaji Madaxweynaha Somaliya,waxaa ka hor ogaaday ra’isalwasaaraha Itoobiya”.

Xogtaas muxuu horay ugu sheegi waayay Yuusuf haduu hayay oo hada kusoo beegay?

Ujeedku waa Xasanow Itoobiya siday doonto ayay kaa yeeli kartaaye Aashaa soco.

Yuusuf xataa warkiisa hadii dhab loo qaato oo qiimayntiisa ah in Itoobiya tahay awood khatar ah,waxuu ilowsan yahay Itoobiyadii TPLF iyo Itoobiyada PP ee Abiy hogaamiyo in ay kala duwan tahay.

Weli Somali badan,waxaa ka degi la’a in Itoobiya la hareer maray baqdin ay ka qabaan awgeed.

Madaxweyne Xasan diblomaasiyad Qab ku dhisan,ayuu kula dhaqmay Itoobiyada liicday.

Jibril Qoobey.