Faahfaahin dagaalkii saakay dhexmaray Alshabaab iyo Ciidamada Itoobiya

Ciidamada Goobta wada joogay,waxay kala ahaayeen…

1.Mileteriga Itoobiya oo uu hogaaminayay M.Jeneral Tesfaye oo kasoo jeeda Qowmiyada Amxaarada ah.

2.Liyuu Booliska oo uu hogaaminayay Jeneral Sakariye oo reer Qoraxey ah.

3.Booliska caadiga ah oo uu hogaaminayay Maxamed Axmed Garaad oo reer Doollo ah.

4.Asluubta oo uu hogaaminayay Bashiir oo reer Doollo ah.

5.Maleeshiyaadka Degmooyinka.

Ciidamada kala duwan ee Itoobiya,waxaa kor kawada hogaaminayay M.Jeneral Tesfaye Ayelow.

170-Maleeshiyada Alshabaab ah,ayaa dagaalku lagu dilay oo ay ku jiraan saraakiil sare-sare oo Shabaab ah.

Argagixisadu way kusoo khaldantay goobta mana aysan filayn in Ciidamo intaa le’eg kuwada sugan yihiin.

Maleeshiyada argagixisada ah ee soo dagaal tagtay,waxaa la xaqiijiyay in ay yihiin kuwii tababarku dhawaan usoo idlaaday ee Mahad Karatee.

Saraakiisha muhiimka ah ee argagixisadu ku wayday weerarkii saakay hiirta waaberi ay soo qaadeen,waxay kala ahaayeen…

1.Cabdicasiis Abuu Muscab.
2.Cubeyd Nuur Ciise.
3.Fu’ad Shangole.

Guul weyn ayay gaareen Ciidamada heerarkoodu kala duwanaayeen ee Itoobiya.

Jibril Qoobey.