Faahfaahin Qaraxii lagu dilay Wasiirka Cadaalada iyo Wiilkiisa Ee KG

Wasiirkii Cadaaladda ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya Shiikh Xasan Ibraahim Lugbuur iyo Wiil uu dhalay ayaa maanta lagu dilay qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay magaalada Baydhaba.

Wasiirka ayaa ka soo baxayay Masjid uu ku soo tukaday Salaadda Jimcaha xilliga weerarka lala beegsaday.

Ugu yaraan 11 qof oo kale, oo uu ku jiro wiil kale oo uu dhalay wasiirka geeriyooday, ayaa lagu soo waramayaa inay ku dhaawacmeen weerarkan.
Weli ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxa.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa sheegay in qaraxa ay ka dambeeyeen kooxda Al-Shabaab.