Maxaad ka og tahay khasaaraha kasoo gaaray Ciidamada Itoobiya dagaalkii saakey?

49-Askari,ayaa guud ahaan Ciidamada kala duwan ee Itoobiya kaga geeriyooday dagaalkii saakay,waxaana lagu aasay Hargelle.

Dhaawaca soo gaaray Ciidamada Itoobiya waa 28-Askari oo Godey la gaarsiiyay Duhurkii.

Dagaal adag oo socdey ilaa galabtey 5-tii Gelebnimo,ayuu ahaa dagaalkii saakay.

Ciidamada Cirka Itoobiya,ayaa ka qaybgalay dagaalka oo si weyn ugaraacay Argagixisada.

Caawa,waxaa heegan ku ah Godey 2-Miig iyo 4-Elekobtar oo aan dib ugu laaban Saldhigii ay kasoo kaceen ee Debreseyt.

Saakay,waxaa Godey la gaarsiiyay Laba Gaari oo kuwa xamuulka ah oo sida Madaafiicda diyaraadaha lagu xiro oo loogu talagalay in diyaaradahu marka la dalbo ay ku hawlgalaan 15-daqiiqo gudahood.