Garowe oo lagu Daah-furay shirka Tababarka Tababarayaasha dib-u-eegista iyo ururinta Xogta Caafimaadka Somaliya

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta daah-furay shirku saabsan Tababarka Tababarayaasha dib-u-eegista iyo ururinta Xogta Caafimaadka ee Soomaaliya, oo ay ka wada qeybgalayaan Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, Dowladaha Xubnaha ka ah DFS iyo Gobolka Banaadir.

Shirkan heer Federaal oo ay martigelisay Wasaaradda Caafimaadka Puntland, waxaa uu ujeedkiisu yahay taabgelinta sahan lagu ogaanayo xaalada saxda ah iyo adeega laga helo xarumaha Dowliga ah iyo kuwa gaarka ah, si loogu saleeyo qorshaha kor uqaadista adeega caafimaadka Dalka ee dalka oo dhan.

Kulankan inta uu socdo waxaa ka qeybgalaya Agaasimeyaasha waaxyaha maareynta xogta Caafimaadka iyo Agaasimeyaasha Qorsheynta ee Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, Dowladaha Xubnaha ka ah DFS iyo Gobolka Banaadir.

DHAMMAAD

XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.