Qorshaha Istiraatijiyada Wadooyinka Puntland oo la daahfuray

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni,ayaa maanta daah-furay qorshaha Itaraatiijiyadda sadaxda sano ee soo socota ee hay’adda Waddooyinka Puntland ee PHA 2022-2024.

Daahfurka qorshahani oo ay soo agaasintey hay’adda Waddooyinka Puntland PHA waxaa kasoo qayb-galay xubno ka tirsan Golaha Wasiirada, Masuuliyiinta Wasaaradaha Howlaha guud madaxda Hay’adda Wadooyinka Puntland, Taliyaha Ciidanka Booliska Dowladda Puntland S/guuto Maxamed Cali Xaashi, Injineerada shirkadaha ka shaqeeya jidadka, ganacasato iyo marti sharaf. Daahfurku intii uu socdey waxaa lagu soo bandhigay muuqaalo iyo sahan lagu sameeyey jidadka isku xira Boosaaso, Gaalkaacyo iyo Laascaanood.

Dhamaad.
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.