Xogta dagaalkii ugu danbeeyay Ee Ciidamada Itoobiya iyo Alshabaab

Argagixisadii ku jirtay Aaga Hul-hul maanta,ayaa lasoo afjaray.

3-Qori oo Dhashiike ah oo ay kala baxeen qarxiyihii,ayaa laga soo saaray goobta laga nadiifiyay.

Todobo Saldhig oo ay lahaayeen Alshabab,ayaa Maanta la garaacay,waxaana la filayaa in loogu tago Mayd fara badan oo Ajaanib ku jiro marka Ciidanka Lugtu gaaro.

Maxabiis,ayaa lagu qabtay hawlgalkii Hul-hul,iyagoo narkaas qoryaha ka saaraya Qarxiyayaasha.

Sidoo kale Degmada Qooxle Tuulada Biyacad Makhribkii shacabku waxay ku qabteen 2-Xubnood oo argagixisada firxadka noqotay ka mid ah.

Dhanka kale gurmad aad ufara badan ayay Shacabka Deegaanku la garab istaageen Ciidamada la diriraya argagixisada.

Jibril Qoobey.