8-Km oo ka mid ah Laamiga Dheer oo udhaxaysa Sin-ujiif iyo Garowe oo la dhisay

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash,ayaa maanta daah-furay dhisme iyo dayactir dowladdu ku samaysay wadada u dhaxaysa Garowe iyo sin-u-jiif.

Dhismaha wadadan oo ay ku jiraan Buundooyin ay waxyeelo badan ka muuqatay una nuglaa in si fudud bur-bur usoo gaadho ayay dowladdu xooga saartay sidii looga dhigi lahaa kuwo laysku halayn karo, iyada oo maanta lagu guulaystay arrintaas.

XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.