Hawlgalo laga fuliyay Xaafadaha Jig-jiga Caawa

Caawa Magaalada Jig-jiga,waxaa laga fuliyay hawlgalo xoogan 20-ka Xaafadood ee ay ka kooban tahay.

Saacad ka hor,ayaa lasoo gabagabeeyay hawlgalkaas,iyadoo la baaray Albaab walba.

Xaafada 5-aad iyo 6-aad oo ay ubadan yihiin Bulshada Amxaarada,ayaa laga soo qabtay Xashiishad fara badan iyo Mustuwaqayaal Faalso ah oo gaaraya 300-Xabo.

Mustawayaasha la qabtay,waxaa laga jaray isla Xaafadaha 5-aad iyo 6-aad.

Xaafadahan,waxaa maamulkooda haysta Dad Amxaaro ah oo uu udhiibay Madaxweyne Mustafe.

Labada Xaafadood ee 5-aad iyo 6-aad waa kuwa ugu dakhliga badan guud ahaan 20-ka Xaafadood ee Jig-jiga ay ka kooban tahay.

Waxaa ku yaal 7500 oo Meherado yar-yar ah,Hotelo,Goobaha Caweyska iyo Baararka ugu muhiimsan Jig-jiga.

Xiligii Madaxweyne Cabdi Iley Xaafadahan,waxaa loo dhiibi jiray dhalinyarada Liyuu Booliska ah ee soo dhaawacanta oo aan kasii bixi karin shaqada Ciidanka.

Jig-jiga sifayn dhinacyo badan leh ayay ubaahan tahay.

Jibril Qoobey.