Hogaamiyihii Alqaacida oo Maraykanku dilay

Wararka ka imaanaya dalka Afghanistan,ayaa sheegaya in duqayn xagga cirka ah lagu dilay hoggaamiyihii ururka al-Qaacida Ayman al-Zawahiri, kaas oo xilka kala wareegay hoggaamiyihii hore ee Osama Bin Laden, ka dib markii ay Maraykanku hawlgal ku dileen, bishii May ee sannadkii 2011.

Madaxweynaha dalka Maraykanka, Joe Biden ayaa la filayaa inuu si rasmi ah u shaaciyo geerida hoggaamiyaha ururka al-Qaacida, kaas oo ku dhintay weerar ay toddobaadkan qaadeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.

Wakaaladda wararka ee Associated Press ayaa ku soo waramaysa in weerarka lagu dilay hoggaamiyaha al-Qaacida inay fuliyeen hay’adda sirdoonka Maraykanka ee CIA, waxaana dilka hoggaamiyahan xaqiijiyey illaa shan qof oo wax ka ogaa hawlgalkaas.

Al-Zawahiri ayaa ka mid ahaa hoggaamiyayaasha ugu saamaynta badan ururka al-Qaacida isaga oo soo ahaa, guddoomiye ku xigeenkii Osama Bin Laden tan iyo sannadkii 1998, ka hor intii aanu xilka guddoomiyaha qaban sannadkii 2011, markii la dilay Osama bin Laden.

Saraakiisha sarsare ee Maraykanka ayaa dib u dhigay inay si rasmi ah u shaaciyaan geerida hoggaamiyaha al-Qaacida, iyaga oo doonaya inay si rasmi ah u xaqijiyaan in qofka ku dhintay hawlgalka ay qaadeen inuu yahay hoggaamiyaha ay raadinayeen.

Aqalka cad ayaa diiday inay arrintan xaqiijiyaan geerida hoggaamiyaha ururka al-Qaacida, hase ahaatee waxay sheegeen in laamaha ammaanka ee Maraykanku inay fuliyeen hawlgal guulaystay oo lagu bartilmaameedsaday hoggaamiye sare oo ka tirsan ururka al-Qaacida, iyaga oo intaas sii raaciyey inaan hawlgalkaas aanay waxyeello ka soo gaadhin dad shacab ah.

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in hoggaamiyaha al-Qaacida lagu dilay guri uu ku sugnaa oo uu lahaa kaaliyaha sare ee ururka Taliban oo lagu magcaabo Sirajuddin Haqqani. Wakaaladda wararka ee Associated Press ayaa baahisay in sarkaal sare oo ka tirsan sirdoonka Maraykanku inuu sheegay in koox ka tirsan hay’adda Sirdoonka Maraykanka oo ku sugnaa dhulka iyo koox sahamin ka wadday hawada sare inay sameeyeen qiimayn, ka dib markii ay dhacday duqayntu, si ay u xaqiijiyaan dhimashada al-Zawahiri.

Saraakiisha sirdoonka Maraykanka ayaa sheegay in qorshaynta hawlgalkan ay soo bilaabatay lix bilood ka hor, balse waxay sii xoogaysatay labadii bilood ee u dambeeyay.