Maxay ka dhigan tahay magacaabista Mukhtaar Rooboow?

Magacaabistiisu waxay ka dhigan tahay dhawr arimood oo kala ah..

1.In Dhiirigelin iyo soo dhaweyn la tuso xubnaha kasoo baxa aragtida xagjirnimada.

2.In uu door ka qaato baabi’inta aragtida xagjirnimada.

3.In Dhalinyaro fara badan oo ku jira argagixisada kusoo hirtaan.

4.In la tuso Dad badan oo laga dhaadhiciyay nidaamka Dowliga ah ee Somaliya in uusan ahayn mid Rido oo Gaallo u adeega.

5.In muuqaal ahaan la muujiyo quruxda iyo wanaaga udhaxeeya ka mid ahaanshaha argagixisada iyo dowladnimada.

Rooboow waa isa soo dhiibay si nabad ah in la wanaajiyo,ayuu mudan yahay.

Madaxweyne Axmed Madoobe mar buu ahaa hogaamiyaha Shabaab.

Wasiirka Gaashaandhiga mar buu ahaa Shabaab.

Koofi oo socdaalka Dalka xukumay mar buu ahaa madaxda sare ee Shabaab.

Waa tiro beel hogaamiyayaasha kasoo baxay argagixisada ee maanta door ku leh Dowladnimada.

Jibril Qoobey.