Deni waa in uu Bulshada ukala qeexaa labada Doorasho Ee isa saaran

Madaxweyne Deni,waxaa laga rabaa in uu si cad uqeexo oo Umdda la hadlo una cadeeyo in aysan saamayn isku yeelanayn labada doorasho si aysan Siyaasiyiinta khalad ufahansiin Bulshada.

Nidaamka Dimuqraadiyaynta waa umuhiim Puntland waxayna uhaysataa fursad.

Bulshada Puntland rabitaankooda barnaamijkan aadbuu usareeyaa.

Caalamku waa usoo jeedaa garabgalka Barnaamijkan,waxuuna diyaar uyahay in uu taageero dhaqaale iyo mid niyadeed ku bixiyo.

Sweden waxay diyaar utahay in ay ku bixiso 6-Milyan oo dolar hada.

Switzerland sidoo kale dhaqaale fiican ayay diyaar la tahay in ay ku bixiso barnaamijka Dimuqraadiyaynta Puntland.

Xaafiiska Qaramada Midoobey ee Somaliya waxaa shaqadiisa lagu daray Doorashooyonka Dowlad Goboleedyada,waxuuna uhayaa dhaqaale haatan.

Booqashadii Wakiilka Qaramada Midoobey ee Garowe,waxuu si cad ugu sheegay in ay dhaqaale uhayaan barnaamijkan oo Puntland ay ku dhiirato tusaalena noqoto.

Beesha caalamku waxay ka niyadjabtay doorashooyinka la maalgeliyay ee Somaliland.

Puntland hirgelinta Barnaamijka Dimuqraadiyaynta waxuu uyahay sharaf iyo in ay weli sii ahaato hormuudka Somaliya.

Somaliya waxay usocotaa doorasho Qof iyo Cod ah,Puntland waa in ay ilaashataa doorkeeda curadnimo.

Jibril Qoobey.