Madaxweyne Gaas oo ku baaqay in la taageero nidaamka Dimuqraadiyaynta

Si fiican,ayuu uga hadlay Madaxweyne Gaas dhaqaajinta Dimuqraadiyaynta iyo in lagala shaqeeyo Madaxweyne Deni hirgelintiisa.

Gaas,waxuu ku dhiirigeliyay Dowlada Deni in ay barnaamijkan dhaqaajiso intay ka awoodo oo wakhtigu usaamaxi karo.

“Waa in aan Siyaasado kale la gelin ee lakala saaraa doorashada Golayaasha Deegaanka iyo mida Madaxtooyo”Ayuu yiri Gaas.

Gaas,waxuu qaatay doorkii kaga aadanaa hirgelinta nidaamkaas ee waajibka ahaa.

Sidoo kale,waxuu fariin udiray hormuudka kale ee reer Puntland iyo Dowlada.

Somaliya waxay usocotaa doorasho Qof iyo Cod ah,Puntland waa in ay ilaashataa doorkeeda curadnimo.