Aadan Madoobe iyo Sacdiyo Salaad oo dhaqaale ku qaatay meel marinta Xukuumada cusub

Xasan Shiikh iyo kooxdiisu waxay qorshaynayaan in Xukuumada lagu ansixiyo Gacan taag been abuur ah oo Xildhibaanada ay haystaan ay Labada Gacmood wada taagaan kadibna Gudoonku ku dhawaaqo natiijo aan sax ahayn.

Qorshahaas,waxaa kala shaqaynaya Gudoomiye Aadan Madoobe iyo ku xigeenkiisa Sacdiyo oo si toos ah gorgortan dhaqaale ula galay.

Aadan Madoobe horay,ayaa Lacag loogaga badashay Rooboow iyo Jaamac magacaabistoodii.

Qorshahaas,waxaa ka dhalanaya in Baarlamaanku kala jabo guux iyo buuq ka dhex bilowdo.

Damjadiid waxay rabaan in kala jabkaas Baarlamaanka ay uga faa’idaystaan baqo ku maalka Gudoonka oo ay ugu hanjabaan Xildhibaanadaan idinku sii daynaynaa hadaad is adkaysaan.

Waraf ayay Laba Shinbirood rabaan in ay ku dilayaan Damjadiid ansixinta Xukuumada marka hore iyo kufsashada Gudoonka marka danbe.

Aadan iyo Sacdiyo Laanta ayay ujeedaan ee Laaca ma arkaan.

Jibril Qoobey.