Fu’aad Shangoley oo sheegay in uu nool yahay

Fu’aad Maxamed Khalaf oo ka mid ah hoggaamiyayaasha Al-Shabaab,ayaa beeniyey in lagu dilay dagaalladii ka dhacay Gobolka Bakool isbuucii hore.

Cod laga soo duubay Shongole oo lagu baahiyey warbaahinta Al-Shabaab,ayuu ku sheegay inuu nool yahay uuna caafimaad qabo.

Itoobiya,ayaa sheegtay maalintii Jimcihii inay dishay saddex sarkaal oo ka tirsan Al-Shabaab, oo ay ka mid yihiin Fu’aad Shongole iyo Af-hayeenka ururkaas Cabdulcasiis Abu Muscab.