Miyaa looga adkaaday Siyaasada Reer Puntland?

Siyaasadu nasasho maleh,waxaana laga adkaaday Qofkii isku sheega in looga adkaaday.

1969-kii ilaa Maanta loolan ayay ku jireen caanana ugama daadan oo weli baarka sare ee Somaliyed bay ka mid yihiin.

Kursiga Dalka ugu sareeya raadintiisa waa hiigsigooda mudnaanta leh oo bartilmaameedka u ah.

Kan labaad waa Cadkooda saami qaybsi markay lumiyaan kan hore.

Xasan markale,ayuu isku dayay in uu ku sameeyo xaqiraad aysan uquurin isaga iyo Beeshiisa oo aysan marna ku samayn taariikhda.

Sida lagu yaqaan reer Puntland Siyaasada kuma niyad jabaan oo marnana isma dhiibaan.

Madaxweyne Xasan iyo kooxdiisa ku hareeraysan waa la goos-goosanayaan oo burhaantooda ayay wax ka tusi doonaan sidii horay udhacday.

Reer Puntland han bay leeyihiin ee raaciyo ma’ahan.

Nin han lehna ma sabciyo!!.