Jen.Darwiish oo Aas-qaran loogu sameeyay Kismaayo

Alle ha u naxariistee Meydka Wasiirkii arrimaha gudaha Jubbaland Gen Maxamed Warsame Darwiish ayaa maanta lagu aasay magaalada Kismaayo.

Aaska ayaa waxaa ka qayb galay Madaxweyne ku-xigeenka koowaad ee Jubbaland, Masuuliyiinta Goleyaasha dowladda Jubbaland, Madax ka socotay dowladda Federaalka Soomaaliya, Masuuliyiin ka socday Puntland iyo qaybaha kala duwan ee bulahada Kismaayo.