Jubaland oo ku kala jabtay taageerada Xukuumada cusub

Madaxweyne xigeenka Maxamuud Sayid si cad,ayuu uqaadacay Xukuumada cusub,isagoo weliba matalaya Beesha uu kasoo jeedo.

Madaxweyne xigeenka 1-aad,ayaa ka daba hadlay Maanta oo soo dhaweeyay Xukuumada cusub.

Barta TV-ga Jubaland oo lagu daabaco wararka rasmiga ah ee Dowlada,ayaan lasoo gelin warkii Maxamuud Sayid,halka kii Luga-dheere lasoo geliyay.

Taasi waxay muujinaysaa in Axmed Madoobe iyo Luga-dheere is og yihiin oo geeska la galiyay Maxamuud Sayid.

Si kale hadii loo dhigo Madaxtooyadii Jubaland waxay ukala jabtay Beelaha Marrexaan iyo Ogaadeen oo kala noqday Mucaarid iyo Muxaafid.

Jibril Qoobey.