Muxuu yahay mawqifka Siyaasadeed Ee Puntland kaga Aadan Somaliya iyo Geeska?

Puntland kuma deg-degayso xiriir xoog badan oo ay Itoobiya la yeelato,waxaana kaga filan midka hada jira ee ku eg wada shaqaynta Amniga Xuduuda iyo Ganacsiga.

Majiro wefti Puntland ka tagaya oo Adis u Aadaya dano Siyaasadeed xiligan.

Puntland way kaga xog ogaalsan tahay kagana khibrad badan tahay Somalida kale waxa Itoobiya hadafkeedu yahay.

Hadafkeeduna ma’ahan in la wiiqo hay’adaha Fadaraaliga ah ee Somaliyed oo soo kabanayay 10-kii sano ee udanbeeyay.

Dhinaca kale Puntland ma’ahan Maamulada Dowlada Dhexe ee Xamar ay saamayn ku yeelan karto si toos ah.

Taa badalkeeda Puntland Dastuurkeedu,waxuu u ogol yahay ilaa laga helayo Dowlad Somaliyed oo dhamaystiran in ay usii dhaqanto sidii Dowlad madax banaan.

Awoodaha Dastuuriga ahna waxay wareejinaysaa marka la dhamaystiro Dastuurka Fadaraalka,kaasoo dhamaystirkiisu ku xiran yahay wada shaqayn sax ah oo dhexmarta D.G iyo D.Fadaraalka.

Galmudug iyo KG waa ku khasban yihiin Madaxweynayaashoodu in ay isbadbaadiyaan maadaama Kursiga lala gedin karo.

Somaliland Daaqada Diblomaasi,Ganacsi iyo xiriir caalami ee ay haysato waa Itoobiya marka waa ku khasban tahay in ay dabac xoog leh umuujiso.

Puntland Siyaasadeedu waa deganaan,ka fiirsasho,caadifad ka fogaasho iyo dan joogta ah.

Balse hadii Xasan Shiikh sida uu hada u dhaqmayo uu kusii socdo ma fursan doonto in Puntland ay furto daaqad Itoobiya si taxadar ay kula socoto.

Madaxweyne Xasan isagaa Somalida kala qaybsan sii kala fogayn kara ama isku soo dhawayn kara.

Jibril Qoobey.