Natiijada imtixaanaadka shahaadiga ah Ee fasalka 12aad Puntland oo la shaacinayo

Ujeeddo: shaacinta Natiijada imtixaanaadka shahaadiga ah ee fasalka 12aad ee dugsiyada Sare ee dawladda Puntland 2021-2022.

Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Puntland waxay la socodsiineysaa Guddoomiyeyaasha Waxbarashada ee heer gobol iyo heer degmo, maamuleyaasha dugsiyada dhexe ee Puntland iyo waaliddiintaba in berri oo Sabti ah, taariikduna tahay 6 bisha Agosto 2022, la soo bandhigi doono natiijada imtixaanaadka dugsiyada Sare ee fasalka 12aad ee Puntland.

Dhammaan waxaa lala socodsiinayaa in ay isdajiyaan ardaydu, oo ay si deggan ula socdaan natiijada imtixaankooda, iyagoo adeegsanaya roll-numberkooda imtixaanka, galinayana nambarkan 299 ee shirkadda Golis.

Waxaan guul iyo nasiib wacan u rajaynaynaa ardayda reer Puntland dhammaantood, meel walba oo ay joogaan.