Gurxan oo loo magacaabayo hogaaminta sirdoonka Puntland

Madaxweynuhu,waxuu aqbalay cadaadiskii Xildhibaanada iyo Ganacsatada wada socda ee watey Gurxan in loo magacaabo Agaasimaha Sirdoonka.

Warqadiisii way qoran tahay,waxayna saaran tahay Miiska,waxaa uharay oo kaliya faafintii.

Waxaa iswaydiin mudan Ganacsatada wadata Gurxan ee rabta in loo dhiibo Sirdoonka waa kuwa Hubka ka Baayacmushtareeya ilaa Koonfurna geeya.

Gadaal,ayaan idinkaga soo gudbinayaa Magacyadooda iyo sida ay uga shaqaystaan Hubka suuqiisa.

Madaxweyne Deni mar walba ,waxuu sameeyaa khalad xulasho uu hadhow dib uga qoomameeyo,weliba,waxuu iska indhatiraa digista looga digo Qofka uu magacaabayo.

Gurxan oo loo dhiibo Sirdoonka,waxay ka dhigan tahay in loo abuuray Xuub Danbilayaasha.

Jibril Qoobey.