Halkee marayaa dhismaha Dekeda Garacad?

Bisha 10-aad si rasmi ah waxaa xariga laga jarayaa oo hawlgalaya Labada Janbi A&B ee Dekeda.

1.Jambiga A balaciisa Markabku istaago karo,waa 157-Mitir,waxaa la wada shubkii ugu danbeeyay ee dhulka ay Wiishashku istaagayaan.

2.Jambiga B Balaciisa Markabku istaagi karo waa 120-Mitir,waana la wadaa si la mid ah A Shubka Dhulka ay Wiishashku istaagayaan.

Baakinka banaanka ee Gawaarida la dhigayo waxaa hada diyaar ah 2-Baakin A&B, mid Sadexaadna Gacanta,ayaa lagu hayaa.

Dhererka Dekeda ee gunta hoose Badda qaybta ugu saraysa waa 15.5-Mitir.

Dhererka Dekeda ee gunta hoose Badda qaybta ugu hoosaysa ,waa 10.25-Mitir.

Baakinka banaanka ee Gawaarida la dhigayo waxaa hada diyaar ah dhinaca Bidix,waxaana Gacanta lagu hayaa Midig.

Balaca Baakinada Gawaarida la dhigayo ee Dekeda,waa…..

LHS = 28,400 sq.m
RHS = 12,700 sq.m

Wadada isku xiraysa Dekeda Garacad iyo Xuduuda Tuurdibi waa 300-km,waxaa lasoo dhameeyay wajigii koobaad ee qiimaynta,waxaana loo keenay Qalab ugaar ah oo garaacaya kana dhigaya Wado Jay ah siman oo balaceedu yahay 7 -8-Mitir.

Wadada,waxaa diyaarinteeda door ka qaatay Dowlada Puntland.

Lacagta Dekeda dhismaheeda loo diyaariyay,waa 325-Milyan oo dolar,waxaana hada Lacagtaas laga isticmaalay ku dhawaad 100-Milyan oo dolar.

Ilaa iyo hada Lacagta ku baxday Dekeda Garacad wax Deyn ah laguma leh (LOAN) oo waa Cadaan Ganacsatadu la baxday.

Marka ay soo idlaato Dekeda Garacad waxay noqon doontaa mid ugu baaxada weyn guud ahaan Somaliya.

Jibril Qoobey.