Srael oo weeraro Cirka ku ekaysiisay marinka Gaza

Ciidamada dalka Israa’iil,ayaa duqaymo xagga cirka ah ka geystay marinka Gaza, iyaga oo halkaas ku dilay illaa 10 qof oo uu ku jiro dagaalyahan sare, halka ay dhaawacyo soo gaadheen tobanaan qof oo kale, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha maamulka Falastiiniyiintu.

Israa’iil ayaa sheegtay inay bartilmaameedsatay kooxda Islamic Jihad, iyada oo ka jawaabaysay halis ku soo fool lahayd, ka dib markii ciidamada Israa’iil ay Daanta Galbeed ku xidheen dagaalyahan sare oo kooxdan ka tirsan, bilawgii toddobaadkan.

Kooxaha hubaysan ee Falastiiniyiinta ayaa saacado ka dib waxay qaadeen weerar jawaab celis ah, iyaga oo gantaallo kala duwan ku riday dhinaca badhtamaha iyo Koonfurta Israa’iil, waxaana taasi ay keentay inay labada dhinac ku sigtaan inuu ka dhex bilawdo dagaal xooggani. Kooxda Islamic Jihad ayaa iyadu sheegtay inay Israa’iil ku tuureen illaa 100 gantaal.

Israa’iil iyo maamulka Falastiiniyiinta ee ka arrimiya marinka Gaza ayaa 15-kii sano ee u dambeeyey waxaa labada dhinac dhexmaray illaa afar dagaal oo waaweyn iyo dhawr dagaal oo yaryar.