Baarlamaanka Fadaraalka oo ansixiyay Xukuumada cusub

kulankii Golaha Shacabka ee maanta,ayaa Cod aqlabiyad leh oo gaaraya 229-Xildhibaan ugu codeeyey xukuumadda cusub.

Toddoba xubnood,ayaa diiday Golaha, halka hal Mudane uu ka aamusay.

Codbixintan,ayaa ka dhigan in golaha cusub ee wasiirradu ay xilkooda la wareegaan isla markaana gudagalaan hosha loo igmaday.

Toddobaadkii hore ayaa la magacaabay Gole Wasaaradeed oo ka kooban 75-Xubnood oo iskugu jira Wasiirro,Wasiiru-dowlayaal iyo Wasiiro ku xigeenno.

Golaha Wasiirada waxaa ku jira wasiirka awqaafta iyo diinta Mukhtaar Roobow, oo horey uga tirsanaa kooxda Al-Shabaab, islamarkaana muddo ka badan saddex sano iyo bar u xirnaa dowladda federaalka, tan iyo bishii December 2018.