Maxay ka dhignayd Booqashadii Pelosi Ee Taiwan?

Shiinaha,waxaa lagu hor ceebeeyay caalamka markii lasoo qaato booqashadii cajiibka ahayd ee Pelosi.

83-jirka kusoo jirtay siyaasada Maraykanka 50-kii sano ee udanbeeyay,asalkeeduna yahay Yurubtii Talyaaniga kasoo haajirtay booqashadeedii Taiwan iyo hanjabaadeedii cadayd,iyadoo ay garbaha ka taagan yihiin Jeneraladii Ciidamada waxay ahayd dagaal toos loogu qaaday Shiinaha.

Balse Shiinuhu gadaal buu uga degay dagaalka Maraykanku iclaamiyay,waxuuna aqbalay,iyadoo lagu soo xadgudbay madaxbanaanadiisa Qaran in uusan jawaab Mileteri bixin ee uu caradiisa ku muujiyo goolaaftan.

Shiinuhu,waxuu dareemay in Maraykanku lugaha ugelinayo dagaal aan dhamaad lahayn oo uu ku burburayo dhaqaalihiisa sida Ruushka loo geliyay dagaalka Ukrain.

Maraykanka,waxaa ka jooga Jasiiradaas 130-kun oo Askari oo ku kala sugan..

1.Japan 50-kun oo Askari

2.S.Korea 30-kun oo Askari.

3.Taiwan 50-kun oo Askari.

Ciidamadaas waxay ku hawlgeli karaan si buuxda 24-saac gudahood,iyagoo dagaalami kara mudo halsano ah oo aysan gurmad helin.

Jibril Qoobey.