Maxay daaran tahay booqashada Laftagareen Ee Jigjiga?

Booqashadiisa Jig-jiga Madaxweyne Laftagareen,waxaa ugu muhiimsan in Ciidan 1500 oo Askari ah deg-deg loogu tababaro loona qalabeeyo Saad fiicana loosoo raaciyo.

Marka uu kusoo laabto Baydhabo Madaxweyne Laftagareen,waxuu soo saari doonaa amar ah Dadka kasoo raacaya Diyaaradaha Xamar intaysan soo bixin in loosoo gudbiyo magacyadooda hay’adaha amniga KG.

Laftagareen,waxuu og yahay qorshayaasha lawado ee la doonayo in xilka looga tuuro.

Ciyaartu hada waxay ku wajahan tahay Baydhabo,balse kooxda Xasan Sh.,waxaa uqorshaysan haday Baydhabo uga adkaan waayaan Laftagareen in ay Baraawe qabsadaan kuna qabtaan doorasho kagana dhawaaqaan Dowlad kale oo KG ah.

Balse Laftagareen waa fahansan yahay,waana sababta Itoobiyaanku ugaarayaan Barawe.

Jibril Qoobey.