Maxay kawada hadleen Xasan iyo Erdogan?

Madaxweynaha Somaliya Xasan Shiikh Maxamuud iyo dhiggiisa Turkiga Reccep Tayib Erdogan,ayaa ka wada hadlay arrimo dhowr ah oo ku saabsan xiriirka iskaashiga ee ka dhexeeyay Labada dal iyo arrimaha Gobolka kadib ay ku xiriireen teleefoon, sida ay sheegtay Madaxtooyada Somaliya.

Waxay ka wada hadleen “heshiis ku saabsan xoojinta iskaashiga iyo saaxibtinimada labada dal’

Turkiga wuxuu sii wadi doonaa dadaallada uu Soomaaliya uga taageerayo xoojinta amniga iyo xasiloonida dalka ayuu yiri Erdogan, sida ay baahisay wakaaladda wararka ee dowladda Turkiga, Anadolu.

Madaxweynaha Somaliya,ayaa horraantii bishii hore booqasho ku tegay dal uu kamid yahay Turkiga oo ay ku heshiiyeen xoojinta arrimaha amniga, dhaqaalaha iyo ganacsiga.