Maxaa lagu micnayn karaa heshiiska Xasan iyo Musefeni?

Safarka Uganda ee Madaxweyne Xasan iyo weftigiisa,waxaa ugu muhiimsanaa oo uu daarnaa hal Qodob marka laga soo tago arimaha kale ee la xusay.

In Ugandha ay buuxiso kaalinta Itoobiya Hub iyo Saanad Ciidana ku taageerto Dowlada Xasan shiikh.

Waa laysku af gartay oo waa aqbalay Musefeni codsiga Xasan Sh.

Balse hal shuruud,ayuu hor dhigay,taasoo ah in dhaqaale abuur loo sameeyo oo heshiis ganacsi lala galo.

Sidoo kale Musefeni,waxuu dalbaday in Dowladaha Turkiga,Qatar iyo Imaaraatka kaalmo dhaqaale loo waydiiyo.

Madaxweyne Xasan,waa aqbalay shuruudaha Musefeni.

Xasan,waxuu usheegay Musefeni in uu qaadayo guluf ka dhan ah Alshabaab oo ubaahan yahay…

B.Ciidanka ka barbar dagaalama kuwa Somalida oo aan Itoobiya ahayn.

T.Hub iyo Tuute.

J.Saanad Mileteri.

Heshiiska Xasan iyo Musefeni,waa noo qaraab tag oo Lacag noo raadi anaa noo haya Dad iyo Hub.

Ujeedka ugu weyn ee socdaalka Xasan Sh ee Ugandha,waa loolanka Itoobiya lagula jiro.

Jibril Qoobey.