Musefeni hadalkiisu waa ceeb iyo bahdil ku dhacay Somalida

Waa hadal ilhaamo ah oo bahdil ku ah guud ahaan Somaliya,balse xaqiiq ah.

Dowlada Somaliya ma awoodo in ay bixiso Mushahaarka shaqaalaheeda,waxa kaliya ee ay ku xisaabtantana waa 6-da Milyan ee ka timaada Garoonka iyo Dekeda Muqdisho.

Miisaaniyada Dowlada Fadaraalka,waxaa ku jira 34000 oo Ciidan Boolis iyo Mileteri ah mana uhayso dhaqaale.

Hadalka Musefeni waa xaqiiq,waase ilhaamo waliba in uu ka hor yiraahdo marti uu hogaaminayo Madaxweynihii Somaliya waa yasid aad u hoosaysa.

Madaxweyne Xasan meeshuu abaari lahaa waaqiciga iyo in uu Qarankan mideeyo,ayuu ka doortay khiyaali iyo safaro.

Waa la fili karay tan oo kale in ay dhacayso.

Dowladnimadaadu waxay macno leedahay markii dadkaagu kuu midaysan yahay kuuna dhisan yihiin hay’adahaaga gudaha.

Xasan Sh.,waxuu raadinayaa Hub iyo dhaqaale uu dagaal ku galo,isagoon dhisin Gudigii Amniga Qaranka oo aan samayn qorshe amni Qaran,isla markaana heshiis aan kala gelin Dowlad Goboleedyadii.

Sidee ayaan loo ilhaamaysanayn hogaamiye Dadkiisii ilhaameeyay???

Waa ceeb iyo fadeexo markii aad dawarsato Nin aan waxba ku dhaamin.