Taliska Africom oo yeeshay hogaan cusub

Gen. Michael E. Langley ayaa maanta la wareegay xilka taliyaha taliska ciidamada Mareykanka u qaabilsan Afrika ee loo soo gaabiyo AFRICOM, xaflad ka dhacday magaalada Stuttgart ee dalka Jarmalka.

“Sharaf ayey dhab ahaantii ii tahay inaan hortiina istaago anniga oo ah taliyaha cusub ee AFRICOM,” ayuu Langley ka yiri xafladdii xil wareejinta.

“Waxaan rajeynayaa in aan qaato mas’uuliyadda hoggaaminta xirfadlayaashan kartida leh ee AFRICOM iyo dhammaan qaybaheeda kala duwan, innaga oo garab taagan saaxiibadeena iyo xulufadeena si aan u horumarinno nabadda iyo barwaaqada Afrika iyo Maraykanka labadaba.”

Langley ayaa noqday taliyihii lixaad ee AFRICOM, tan iyo markii taliska la aasaasay 2008.

Langley oo kasoo qalin jebiyey jaamacadda University of Texas ee Arlington ayaa markii ugu horreysay kusoo biiray ciidamada Mareykanka 1985-kii.

Munaasabadda xil-wareejinta ayaa waxaa goobjoog ka ahaa xoghayaha gaashaandhigga Mareykanka Lloyd J. Austin III iyo 400 oo marti oo ka kala yimid caalamka oo idil.

Hadal uu ka jeediyey munaasabadda ayuu Austin ugu mahadceliyey taliyaha xilka ka degay ee AFRICOM Gen. Stephen Townsend, isaga oo ku ammaanay hoggaamintiisa ka go’naansho ee saddexdii sano ee lasoo dhaafay.

Taliska AFRICOM ayaa ah mid ka mid ah toddobada talis ee Waaxda Gaashaandhigga Mareykanka, wuxuuna mas’uul ka yahay howlgallada dagaal, dhoolatus, iskaashiga amni, ka jawaabidda xasaradaha deg degga ah ee Africa iyo sare u qaadista danaha Mareykanka ee gobolka.

Taliska AFRICOM ayaa dowladda Soomaaliya ka caawiya la-dagaalanka kooxda Al-Shabaab, ayaga oo fuliya duqeymo ka dhan ah kooxdaas, sidoo kalena tababar siiya qaar ka mid ah ciidamada Soomaaliya.