Doorashadii hordhaca ah ee Maraykanka oo Somalida reer Puntland hogaanka uhayaan

Ilhaan Cumar iyo ugu yaran Saddex Musharax oo kale oo Soomaali ah,ayaa kusoo baxay doorashada horudhaca ah Xisbiga Dimuqraadiga ah ee Gobolka Minnesota, kaddib markii ay kasoo adkaadeen musharraxiintii kale ee la tartamayay, iyaga oo isku diyarinaya doorashada ay kaga hortayaan Xisbiga Jamhuuriga.

Senator Cumar Faatax ayaa dib u helay kalsoonida xisbigiisa.

Saynab Maxamed,ayaa iyana kusoo baxday doorashadii kurisga Aqalka sare ee Gobolka Minnesota.

Halka Samakaab Xuseyn uu isna ka ku guuleystay doorashada tartanka xildhibaan Aqalka hoose ah.

Somalida Maraykanka,waxaa hogaan iyo tusaale ayay unoqday kuwa kasoo jeeda Deegaamada Puntland.

Todobaad ka hor,waxaa kasoo baxay Gobolka Ohio Ismaaciil iyo Muniira oo asal ahaan kasoo jeeda Puntland.

Hanbalyo.