Dhimasho iyo dhaawac ka dhashay xaalada Somaliland Ee cakiran

Mudaharaadkii Mucaaradkau ku baaqay,ayaa ka bilaamay guud ahaan magaalooyinka Somaliland.

Shirkadaha isgaarsiinta,waxaa lagu amray in ay jaraan khadka internet-ka.

Xukuumadu waxay xirtay guud ahaan Wadooyinka Hargeysa,Ciidanka Milatariga ayaana la soo galiyey magaalada.

Ciidanka,ayaa adeegsaday Rasaas nool iyo Sunta Dadka ka Ilmaysiisa.

Dibed baxayaasha,ayaa qarka u saaran in ay la wareegaan Saldhiga New Hargeysa iyo Agagaarka Tiyaatarka

Ilaa hada waxaa la xaqiijiyay in ay jiraan Dad ku dhintay iyo kuwo ku dhaawacmay Rasaasta nool ee Ciidanku adeegsanayaan.

Gudoomiye ku xigeenka Waddani Axmed Cumar Xamarji,ayaa la xiray,isagoo dhaawac ah.

Burco Ciidamada,ayaa rasaas nool u adeegsaday,waxaana kala jabay Ciidanka oo qayb kamid ah Ciidanku waxay la safteen shacabka,iyagoo dhexdooda is rasaaseeyay.

Ceerigaabo wararku waxay sheegayaan in mudaharadayaashu ay bartamaha magaalada qabsadeen oo Shacabku Hubkooda la soo baxeen.