Maxaa sababay isbadalka lagu sameeyay hogaanka Ciidanka Liyuu Booliska?

Cabdi Cali Siyaad Garfaydhe,waxaa loo dhiibay hogaanka Ciidanka Liyuu Booliska oo kasoo jeeda Beesha R.Isaaq.

Sidoo kale,waxaa ku xigeen looga dhigay Cabdiraxman Axmed Nuur oo kasoo jeeda Beesha R.Cabdille.

Xaaji Tuur iyo Sakariye oo ahaa hogaankii iyo ku xigeenkii Ciidanka,waa la badalay.

Hogaankii hore,waxaa galaaftay dhawr dhacdo oo isku xig-xigay oo ay ugu danbaysay weerarkii Canfarta.

Canfarta oo wadata Maamulkeedii iyo Ciidankeedii,ayaa soo weerartay Xoolo dhaqato Deegaanka Somalida ah.

Kadib Ciidankii fadhiyay Galbeedka Siti,ayaa lasoo xiriiray hogaanka Xaajo Tuur,waxuuse ku amray in aysan dagaalkaas gelin Xoola dhaqatada islaynaysana ukala hiilin.

Balse Ciidanka oo xog ogaal ahaa,ayaa amarkaas ka gadooday galayna dagaalka.

Jibril Qoobey.