Natiijooyin jahwareer dhaliyay oo kasoo baxaya doorashada Kenya

Tirinta codadka doorashadii Talaadadii ka dhacday Kenya,ayaa wali socota iyada oo madaxweyne ku xigeenka William Ruto iyo musharaxa ugu weyn mucaaradka ee Raila Odinga uu marba mid ku hormarayo natiijada hordhaca ah.

Dadka,ayaa ku jahwareersan habka cusub ee tirinta codadka.

Saxaafadda,ayaa tabineysa natiijooyin horudhac ah oo kala duwan oo abuuray jahawareer cusub.

Waxaa la wada eegayaa dhinaca xarunta ay tirinka codadka iyo xaqiijintu ka socoto ee Bomas Kenya.

Warbaahinta maxalliga ah ayaa si weyn loogu dhaliilay inay iska indho-tireen xogta Guddiga IEBC, ayna soo gudbinayaan tirooyin uu mid walba iskiis u sameeyay.

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashada iyo Xudduudaha Kenya, oo magacooda loo soo gaabiyo IEBC, ayaa haysta toddobo maalin oo ka billaabanaya maalinta ay codaynta dhacday.

Taas waxay ka dhigan tahay in hadda ay kasii dhammanaayaan afar maalmood oo waqtigaas ah waxa u harayna ay yihiin saddex maalin oo ku eg Isniinta.