PDRC iyo Haldoorka dooda ka qaybgalay iyo waxay seegeen iftiiminta Yoolkii loo baahnaa

Doodii PDRC soo abaabushay ee ku aadanayd maxaa laga bartay doorashadii fadaraalka ee ugu danbaysay,waxaa ka xiiso badnaan lahaa hadii loo dhigi lahaa Puntland ahaan maxaan ka baranay duulaankii siyaasadeed ee Villa Somaliya?

Habka ay udhacday doorashada Fadaraalku ma ahayn wax cusub ee waa soo jireen.

Doorasho walba oo Fadaraalka ah marka ay dhacdo Dad badan,ayaa isku naca kuna kala fogaada,sababtoo ah waxay ku salaysan tahay dhac iyo boob ilaa tii Cabdullaahi Yuusuf lagu doortay.

Xaqa muwaadinku 50-kii sano ee udanbeeyay Somaliya waa lagu tumanayay ee ma ahayn mid ku gaar ahaa doorashadii udanbaysay.

Guud ahaan Afrika mudo xileed walba oo doorasho Wadnahaa farta lagu qabtaa sida hada mida Kenya,sababtuna waa doorashooyinka oo keena kala fogaansho iyo dhibaato hor leh.

Balse su’aalaha ubaahnaa in haldoorka reer Puntland kor istaagaan,waxay ahayd..

Maxay Puntland ka faa’iday duulaankii Siyaasiga ahaa ee Villa Somaliya?

Maxay Puntland ka baratay duulaankii siyaasiga ahaa ee Villa Somaliya?

Ma tahay in Qodob Dastuuriya laga dhigo Madaxweynaha markaa xilka haya in uusan isku sharixin Villa Somaliya?

Ma tahay in Madaxweyne Deni lasoo gole joojiyo oo la waydiiyo dhaqaalihii ku baxay duulaankaas iyo halka ay wax ka xumaadeen?

Ma tahay in qorshe laga dajiyo dowliya sida Puntland uwajahayso loolanka Villa Somaliya?

Waxaad moodaa haldoorka Qalinlayda ah ee dooda ka qaybgalay iyo PDRC in ay ka war wareegayaan iftiiminta khaladka ubaahan in la saxo.

Jibril Qoobey.